Wariye ka tirsan Universal TV oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa goordhow ka dhacay qarax loogu xiray gaarigiisa mid kamid ah shaqaalaha Tv-ga Universal oo lagu magacaabo Cabdi Xamiid Karasaay.

Wariye Cabdi Xamiid Karasaay ayaa gaari uu watay qarax ku haleelay Degmada Xamarweyne Gobolka Banaadir.

Wariye Zakariye Maxamuud Timacadde oo katirsan wariyaasha Universal Tv ayaa Xafiiska PUNTLAND POST ee Muqdisho u xaqiijiyay qaraxaasi.

Xamiid Karasaay ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi waxaana iminka lagu dabiibayaa mid kamid ah xarumaha caafimaad ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 4 Qof oo kale oo ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay maadaama ay aheyd bartamaha suuqa Xamarweyne oo ah meel mashquul badan.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwo dowlada Soomaaliya oo howlgalo ka wada.

Qaraxyada gawaarida lagu xiro ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada Qaraxa.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho