Ra’iisul wasaare Kheyre oo Amray in la joojiyo dhismayaasha ka socdo nawaaxiga Garoonka Muqdisho

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumada  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu amray joojinta dhismayaasha ka socdo nawaaxiga garoonka Muqdisho.

Waxaa sidoo kale uu joojiyay Ra’iisul wasaaraha in la bixiyo wax dhul ah oo ku dhow Garoonka Magaalada Muqdisho.

Amarka ayaa yimid kadib kulan ay wada qateen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo sihayaha WasiirkaWasaarada Gaadiidka  Cirka iyo Dhulka..

Hoos ka Aqriso Warqada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho