Qaxooti ka yimid Yemen oo ka soo degay Dekada Berbera

Safaaradda Soomaalida ee Dalka Yamen oo kaashaneysa Hay’adda Qaxootiga Aduunka waxa ay ku guuleysteen in dalkooda dib ugu soo celiyaa 137-ruux oo qaxooti ku ahaa sanadihii dambe gudaha dalkaas.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya Yaman u qaabilsan Magaalada Caddan oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyey in qoysas gaaraya 137 qoys shalay lagu soo qaaday dooni asago oo xusay in laga soo dajiyay dekadda Magaalada Berbera ee Maamulka Somali-land.

Waxa uu sheegay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya Yaman u qaabilsan Magaalada Caddan in halkaas ay kaga sii gudbayaan dadka Gobolada ay kasoo kala jeedaan, iyadoo loo fududeynayo waxyaalaha ay u baahan yihiin.

 

PUNTLAND POST