Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa maanta soo saartay Warqad qoraal ah oo lagu joojinayo Television-ka Universal shaqadii uu ka hayey deegaanada Puntland.
Qoraalka Wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Television-ka Universal uu ku kacay iska horkeen dowladda iyo Shacabka, Khal-khal galin Amni iyo baahin Warar been abuur ah, mana jirto wax cadeynaya eedaymahaasi oo qoraalka lagu xusay.
Maamulka Television-ka Universal ayaan wali ka hadlin shaqo-joojinta iyo waliba eedaymaha loo soo jeediyay.
Hoos ka Akhriso Warqada ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Puntland

PUNTLAND POST