Xasan Sheekh Maxamuud oo Loo Dhaariyay Kamid Noqoshada Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goordhow la dhaariyay kamid Noqoshada Xildhibaanada  Baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta lagu  dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa waxa ay waafaqsantahay Qodobka  64aad ee Dastuurka dalka oo dhigaya in Madaxweynihii aan xilka laga qaadin ee wareejiya in uu noqonayo Xildhibaan.

Waxaa xusid Mudan in Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud uu sii ahaanaya Xildhibaan inta ka dhiman Noloshiisa .

Xasan Sheekh ayaa  waxaa uu  tirada Baarlamaanka dhigayaa 276-Xildhibaan.

ugu dambeeyntii Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Sacab ku soo Dhoweeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya xiligii la dhaarinayay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho