Ururka Nahda oo Qabtay kulan looga hadlayo Hormarinta Af-Soomaliga

Boosaso[Puntland Post]Ururka Nahda oo ah Urur dhalinyareed u taagan hormarinta iyo dhisidda aqoonta dhalinyarada, kobcinta garaadkooda iyo kubaraaruinta himiladooda sare ee islaamka iyo wadan jacaylka, ayaa xalay la soo agaasimay kulan aad ubaallaaran oo lagu gorfeynayay lagagana tashanayay Af-soomaaliga iyo sida loo kobcin-lahaa, loo-tayaynlahaa, loona hormarinlahaa.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay wax garad iyo aqoonyahan ay kamid yihiin Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Samafale Max’ed Yusuf Tigey iyo xubno kasocday ururka Nahda.

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.

Inkastoo Af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Kadib dood cilmiyeeysan iyo isxog waraysi waxaa laysku raacay:-

WAXYAALAHA KOR LOOGU QAADI KARO / LAGU HORUMARIN KARO TAYADA AF-SOOMAALIGA .

  • In lahelo Dowladnimo dhab ah.
  • In lasameeyo golayaal ay ku midaysanyihiin Suugaan-yahanka iyo dadka daneeya arimaha Afka.
  • In layareeyo adeegsiga Afafka-qalaad.
  • In labadiyo samaynta erey-bixinta ereyada ku cusub Af-soomaaliga.
  • In labadiyo adeegsiga Af-soomaaliga sida in loo adeegsado goobaha Ganacsiga, Waxbarashada, Xarumaha Dowladda IWM.
  • In lasameeyo goobo wax akhris oo madax bannaan, si loo dhiiri geliyo akhrinta Buugaag badan oo kuqoran Af-soomaali.
  • In ubadka lagu barbaariyo jacaylka Afka Hooyo, si uu u ogaado ahmiayaddiisa.
  • In labadiyo qoraalada iyo hal-abuurka Af-soomaaliga.
  • In jaamacadaha dalku ay soo kordhiyaan Kuliyadda Saxaafadda.
  • In Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sareba lagu dhiiri geliyo ardayda maadada Af-soomaaliga.
  • In suugaanyahanku ku kaydiyaan suugaanta Af-soomaaliga si uu unoqdo mid waara.
  • In la sameeyo / adkeeyo Akaademiyadda Afka iyo Dhaqanka.

GUNAANAD

Ururka Nahda  ayaa aragtidiisu tahay sidii looga shaqayn lahaa dib udhiska dhalinyarada looguna abuuri lahaa dhaqanka wanaagsan ee islaamka , looguna boorin lahaa aqoonta , loona bari lahaa dad ladhaqanka , wadaniyadda , dhex dhexaadnimada , kaladuwaanashaha aragtiyaha , kahortagga qabyaaladda , isir sooca iyo  xagjirnimada. Kulanku intuu socday ayaa waxaa lagusoo bandhigay Dhambaalka Baraarug oo ah dhambaal saddex biloodle ah, kaasoo ku hadla afka dhalinyarada soomaaliyeed kana kaqayb qaata  faafinta aragtida ururka, waxaa wax ku qoro dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan. Kulanka ayaa kusoo idlaaday farxad iyo baraare.

 

 

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST