Ra’iisul wasaare Kheyre oo Xilka la wareegay

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowlada Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul waraarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Munaasabad Xil wareejin ha oo ka  ka dhacday xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa marka hore u mahadceliyey xubnaha golaha Wasiirada ee la soo shaqeeyey intii uu xilka hayey, wuxuuna ku amaanay dadaalkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa Ra’iisul wasaaraha cusub kula taliyey in howsha ugu muhiimsan oo loo baahan yahay tahay dhameystirka iyo baahinta Maamul  dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min Tuulo illaa heer Degmo, taas oo uu sheegay in ay sahli doonto doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre ayaa umadaceliyey Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo golahiisa Wsiirada sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka hadlay xaalada Abaarta baahsan ee dalka ka jirta, waxa uuna ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi Abaaruhu Aafeeyeen.

PUNTLAND POST