Hay’dda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, W/bari Nayjeeriya iyo Yemen ay cunno yari baahsan ku haysto dalalkooda.
Dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa inta badan la sheegay iney ka timid Abaaraha dalka ka jira iyo Colaadaha, Afhayeenka Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM Joy Milman ayaa sheegay in ilaa 100-kun oo qof ay gobolkaasi macluul khatar ugu jiraan.
“Haddii aysan helin gargaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan oo qof”
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay kasii dareyso iyadoo dadka ay deegaanadooda kasoo barakacayaan kuwaas oo raadinaya cunto.
Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir caalami ah uu shir guddoominayey Madaxweynaha dowlada Federaalk Soomaaliya Mxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo looga hadlayey Gurmadka Abaarahad dalka waxaana ka soo qeyb galaya masuuliyiinta dowlad goboleedyada iyo Hay’adaha Gargaarka iyo deeq bixiyaal kale.
PUNTLAND POST