Goormuu Ra’isilwasaare Xasan Kheyre Baarlamaanka kalsoonida weydiisanayaa?

Maalinta Arbacada ah Taariikhdana ay ku beegan tahay 1/3/2017 waxaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmaya Kalfadhiga kowaad ee mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhigaas ayaa lagu wadaa in la horgeeyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee xukuumadda Federaalka Soomaliya, Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in shaqada ugu horeysa ee Baarlamaanka Soomaaliya uu qaban doono marka uu isku soo laabto ay noqon doonto ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub.

Haduu helo codka kalsoonida Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya waxa u soo dhisi doonaa xukuumaddiisa , hadii dib loo celiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo Ra’iisulwasaare cusub hayeeshee waxa ay u badantahay in ay Baarlamaanku ay ansixiyaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho