Faah faahin Dab KHasaare badan geystay oo ka kacay Suuqa Bakaaraha Muqdisho

Dabkaan ayaa kacay 04:00 Subaxnimo ee xiliga Muqdisho waxaana uu ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa markii hore ka kacay Suuqa Bacadlaha waxaana uu ku sii faafay goobo kale oo Suuqa Bakaaraha ku yaala.

Goobo Ganacsi oo aad u badan ayuu dabku baa ba’iyay waxaana kamid ah Suuqa Dahablaha , Suuqa Khaliifa iyo halka lagu iibiyo Daawo Soomaaliga Suuqa Bakaaraha.

Suuqa oo aan gaaray ayaa indhaheeyga waxa ay qabanayeen xarumo ganacsi oo aad u badan oo bas beelay, 3 Ruux ayaa ilaa iyo iminka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaasi.

Gawaarida gurmadka ayaa u taagwaayay in ay damiyaan dabka wadooyinka oo ciriiri ah oo gawaarida aanay gali karin darteed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo gaaray goobta dabku uu ka kacay.

Waa dabkii Labaad oo muddo labo bil gudaheed ka kacay suuqa bakaaraha ee Muqdisho.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Goobihii Ganacsi Ee dabku uu baa bi iyay
Wariyaha Puntland Post ee Muqdisho Cowke oo Taagan Goobta Dabka
Gudoomiyaha Gobolka oo Soo Gaaray Goobta Dabka
Dad isku Dayaya in ay Soo bad Baadiyaan alaab ku jirta halka dabka
Dadweyne kus oo Xuumay Goobta dabka

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho