Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa wada qorshe oo isku shaan-dheyn ah uu ku sameynayo Golihiisa wasiirada.
Madaxweyne C/wali Gaas ayaa la filayaa inuu shaqada ka cayriyo wasiirro badan sida aan kasoo xiganayno ilo lagu kalsoonaan karo .
Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa haatan kulamo ku leh Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari iyadoo sidoo kale uu kulankaasi qeeyb ka yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
isku shaan-dheyntaan ayaa lagu sameeyn doonaa wasiirada puntland, oo haatan qaarkooda aysan dalka joogin, qaarna ay iska casileen xilalkii loo magacaabay.
Tallaabadan oo war rasmi ah laga hayn xilliga ay dhici doonto, ayaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Xilalka ka qaadi doono mas’uuliyiin katirsan xukuumadda halka Jagooyin bannaana Wasiirro cusub usoo magacaabi doono.
isku shaandheeyntaan ayaa si weeyn looga hadal hayaa Puntland waxaana xusid mudan in siyaasiin doonaya in ay helaan wasiiro ay gaarayeen Puntland.
PUNTLAND POST