Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Kumaadooska Puntland ayaa qabsaday xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garowe.
Ciidamada qabsaday xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa watey gaadiid waaweyn ee dagaalka waxayna ka cabanayaan mushaar l a’aan soo wajahday mudo dhowr bilood ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xarunta Barlamaanka ee laqabsaday ay ku jireen xubno kamida Baarlamaanka oo gaaraya illaa 15 xubnood.
Sidoo kale ciidamada gadoodsan ayaa xiray wadada Laamiga ah ee gasha madaxtooyada Puntland ee Garowe waxayna dadweynuhu ka welwelsanaayeen inay qabsadaan xarumo kale, waxaase goobtaa gaaray Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ciidamadii ku qanciyey inay fariisimahoodii dib ugu laabtaan, isagoo u balan qaaday inuu xaquuqda ay sheganayaan uu kala hadli doono madaxda sare ee Puntland.
Saraakiisha ciidanka iyo madaxda Puntland ilaa iyo hadda kama aysan hadlin qabsashada xarunta Barlamaanka Puntland.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray cabashooyinka ciidanka ee dhanka mushaar la’aanta ah.





PUNTLAND POST