Amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaliya ayaa lagu sheegay in maanta oo Talaada ah iyo bari oo Arbacadda ah la xiro doono wadooyinka Magaalada Muqdisho sababo la xiriira Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shacabka magaalada Muqdisho ku wargaliyay in maalamahaas ay u dulqaataan xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho,islamarkaana dib loo furi doono markuu dhamaado Caleema-saarka.
Qaban-qaabada Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa haatan ka socota Magaalada muqdisho,wasaaradda arrimaha Dibada Soomaliya oo arintaan loo xilsaaray ayaa casuumad u dirtay madaxda dalalka dariska ah.
Maalinta bari ah oo ku beegan 22 Bishaan Febuary ayaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo Caleemasaarka Madaxweynaha cusube ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.
Sanadkii 2012 waxaa caleema saarkii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh maxamuud ka soo qeyb galay Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, wakiilo matalayay Madaxda Kenya, Uganda, Sudan iyo kuwa kale, waxaase sanadkan la filayaa inay ka duwanaato afar sano ka hor.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho