Qiimaha Dollar-ka oo hoos u dhac balaaran ku yimid

Ka dib markii Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa is bedel uu ku dhacay suuqa sarifka ee Soomaaliya.

Qiimaha dollarka ayaa hoos u dhacay, waxaana sare u kacay qiimaha shilinka Soomaaliga iyadoo oo meel hoose uu tagay Dollar-kii.

Deegaanada Soomaalida ayaa maanta waxaa laga dareemayaa in uu Aad u dhacay qiimaha Dollar-ka islamarkaasina halkii Dollar lagu Sarifayo 16 kun halka lagu sarifi Jiray 24 kun.

Dhinaca kale waxaa cirka isku sii shareeraya qiimaha maciishada oo aan wax isbadal ah iyada ku imaanin waxaan arintaasi cabasho ka muujiyay shacabka danta yar ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho