Gudoomiyaha Gobolka Banaanir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaala ayaa Maanta sameynaha mid ka mid ah Sababaha Xil ka qaadistiisa.
Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa jabiyey Digreetadii Madaxweyne Farmaajo oo ahayd in dadku ay joojiyaan dibad baxyada iyo dabaaldagyada Guryahooda ku laabtaan kana warsugaan inta uu khudbad shacabka ku saabsan jeedin doono,
Gudoomiyaha oo awoodi waayey in uu la hadlo shacabkii Khamiistii Dajirka isugu soo baxay ayaa Maanta Dibax bax kale halkaas ku abaabulaya oo Farmaajo lagu taageerayo.
Waxaa laga yaabaa in Gudoomiyaha xilka laga qaado sida ay aaminsanyihiin qaar kamid ah dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho