Musharax kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo tanaasulay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa goordhow ku dhawaaqay in musharax uu ka tanaasulay u tartamida xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharax Zakariye Xaaji Cabdi ayaa ka tanaasulay isga oo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay tanaasulkiisa.

Waxaa laga yabaa in Musharixiin kale ay tanaasulaan Waxaa hadda socdo khudbad uu wado Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho