Farmaajo oo codad badan kaga horeeyo Xasan sheekh iyo dabaaldagyo ka socda Muqdisho

Ra’iisil wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku horeeyo wareega Labaad ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa heeysto Codad gaaraya  184 cod,waxaana uu ka horeeyaa Xasan Sheekh oo heeysta 97 iyo Shariif Sheekh Axmed oo heysta 46 .

Muqdisho ayaa iminka waxaa ka soconayo Rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ku faraxsan Codadka uu kaga horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif.

inkastoo aan wali la soo gaba gabeeynin wareegii labaad ayaa hada Waxaa ku horeeyo Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho