Wadooyinka Muqdisho oo guud ahaan Xiran

Waxaa saakay xiran gabi ahaanba wadooyinka Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya, waxaa wadooyinka lasoo dhigay Ciidamo ka Tirsan  kuwa Dowladda Soomaliya oo loogu talagalay in ay xaqiijiyaan amniga.

Isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa la joojiyay hayeeshee dadka shacabka ayaa loo ogalaaday in ay isticmaalaan lugahooda,dadka qaar ayaa arintaan cabasho ka muujiyay.

Sidoo kale waxaa la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah waxaa sidoo kale saakay inta badan xiran goobihiii Ganacsi ee ugu waa weynaa Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa la xiran Goobaha waxbarasho.

Ciidamada ayaa Sidoo kale Xaafadaha ku Xiray caro Tuuryo ay ku xirayeen qaar kamid ah Xaafadaha magaalada Muqdisho

Sababta loo hakiyay dhaqdhaqaaqa Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay Doorashada Madaxweynaha oo dhacaysa 8-da bishaan February  oo ku beegan maalinta bari ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho