Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdi Faarax Shirdoon oo Muqdisho ku kulmay

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kulan ku yeeshay Ra’isilwasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay hooyga Muqdisho uu ka daganyahay Ra’isilwasaare Sharmarke oo dhanka kalena ah musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay arimo la xariira doorashada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ka dhici doonto dhowaan.

Cumar iyo Shirdoon By Puntland Post

Waxyaabaha ay ka wada hadleen labada Masuul oo ay heleeyso Warqabadka Warbaahinta PUNTLAND POST ee Muqdisho ayaa ku waramaya warar sheegaya in Cabdi Faarax uu noqonayo Ra’isilwasaaraha soo socdo ee Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa waxa ay sheegeeysaa in Cabdi Faarax Shirdoon Saacid laga yaabo in markale uu noqdo Ra’isilwasaaraha soo socdo ee Soomaaliya.

Ex Ra’isilwasaare Shirdoon ayaa shaly dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo uu muddo ka maqnaa.

Muqdisho oo dhowaan galeeysa Doorashada Xasaasi ah ayaa waxaa ka socdo kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan siyaasiin caan ka ah saaxada siyaasada dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho