Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa Goordhow ka dhacay Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo xiray .
Qaraxani ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeeynHotelka Oriantal oo ku yaala Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay in la doonayay in lagu qaarijiyo Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh oo la sheegay in uu yahay qof Shacab ah oo caadi ah inkastoo uu ka bad baaday.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa xaqeejiyay qaraxaasi isaga oo sheegay in ciidamada amaanka ay wadaan howlgalo amaanka lagu xaqeejinayo.
Muqdisho waxaa ka socdo Qudbad jeedin Musharixiinta Madaxweynaha waxaana xiran wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho