Musharixiinta Madaxweynaha oo Baarlamaanka ka horjeedin doono Khudbadahooda

Waxaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabaneeysa dhageeysiga khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ay bilaabaneeyso dhageeysiga qeeyb kamid ah khudbadaha musharaxiinta.

Musharixiinta ayaa Baarlamaanka ka horjeedin doono barnaamijkooda siyaasadeed oo ay dalka ku xukumayaan haddii la doorto.

Musharaxiinta ayaa kala ah 

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid Cabdullaahi Deni
  7. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho