Wararka haatan naga soo gaaraya Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ayaa ku waramaya in qarax miino oo wadada lagu aasay in lala beegsaday Osman Mohammud ( Pro Dufle) oo kamid ah Xubnaha Aqalka sare ee dalka.
Inta la xaqiijiyay labo kamid ah ilaalada Senotorka ayaa ku dhaawacmay, isna wax dhaawac ah ma gaarin sida ay inoo xaqiijiyeen dad isaga ka ak dhow mas’uulka, xili qarax lala beegnayay waxa uu kusii jeeday xarunta isbitaalkiisa uu ku taala isla xaafadda Taleex.
Waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo katirsan Xubnaha Aqalka sare oo lagu weeraray Muqdisho tan iyo markii Xubnahaani la doortay.
ma jirto cid ilaa hadda sheegatay Mas’uuliyada qaraxa.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho