Madaxweyne cusub ee dalka Donald Trump ayaa u magacaabay Neil Gorsuch in uu xubin ka noqdo xaakimiinta Maxkamadda sare ee dalkaasi.
Neil Gorsuch oo 49 jir ah ayaa garsoore ka ahaa maxkamad racfaan ee heer federaal taas oo ku taalla magaalada Denver ee gobolka Colorado, wuxuuna buuxin doonaa booskii uu sanadkii hore ka geeriyooday Antonin Scalia.
Neil Gorsuch ayaa u baahan ansixinta Aqalka Senate-ka, ayadoo xubnaha Dimuqraadiga ah ee ka tirsan Senate-ka ay wacad ku mareen in ay horjoogsanayaan musharrax kasta oo muxaafidnimadu ku dheertahay
Neil Gorsuch ayaa u baahan in uu hesho 64 cod oo codadka senator-ka ah si aqlabiyad loogu ansixiyo, Donald Trump ayaa ugu baaqay labada dhinac ee golahaasi in ay ansixiyaan xaakimka.
Neil Gorsuc ayaa noqonaya xaakimkii ugu da’da yaraa ee mudo 25 sano ah loo magacaabo in uu ka qeyb noqdo maxkamada ugu sareysa dalka Mareykanka
Gorsuc ayaa la sheegaa in uu Aaminsan yahay in dastuurka Maraykanka loo raaco si la mid ah sidii ay u raaci jireen raggii asaasay dalka Mareykanka.
PUNTLAND POST