Ra’iisul wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ahna musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa sheegay in dowladaha dariska, sida Ethopia,Kenya, iyo kuwa kale ay faragalinta cad ku hayaan doorashada Madaxweynaha ee 8-da bishaan dalka ka dhacaysa.
Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa tilmaamay in haatan ay sii xoogaysanayaan dowladaha faragalinta ku haya wadanka Soomaliya, iyo tan doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya islamarkaana ay doonaya in gabi-ahaanba ay saameyn weyn ku yeeshataaan doorashada Madaxweynaha ee dalka ka dhacaysa.
Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya ugu baaqay in ay faraha kala baxaan doorashada, si shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu madax banaanaadaan Dalkooda.
Ugu dambeyntii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay xukuumadiisa sababta ay dalka u gaarsiin weydau Doorasho qof iyo cod ah in ay tahay xasilooni daro Siyaasadeed.
Hoos ka dhageyso Codka Ra’isilwasaaraha.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho