Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa isagax baxay howlka shirka, kadib markii loo diiday inay dooda ka qeyb gasho Warbaahinta Madaxa banaan.
Musharixiinta howlka shirka isaga baxay waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole), Siciid C/laahi Dani, Maxamed Cali Nuur Ameeriko, iyo musharixiinta kale, waxayna ku eedeeyeen guddoonka baarlamaanka in uu gacan bidixeeyay ka qeyb galka dood Mushariixinta.
Sidoo kale Mushariixinta xilka Madaxweynaha Soomaliya u taagan ayaa ku eedeeyay guddiga loo xil saaray dooda in ay u gacan galiyeen tabinta dooda Warbaahinta dowladda islamarkaana meesha laga saaray tii madaxa banaaneed.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho