Ciidamada Jubbaland oo Xildhibaan ku Xiray Kismaayo

Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Maanta Xabsiga dhigay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Maamulka Jubbaland oo lagu Magacaabo Shuceyb Ibraahin Faarax.

Shuceyb Ibraahin Faarax ayaa lala Xiray Qof Dumar ah,waxaana la sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland ay Xabsiga dhigeen islamarkaana ay kala baxeen Guri uu ka degenaa Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Shuceyb Ibraahin Faarax ayaa kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay ama Jubbaland ka soo galay Gobolka Gedo ,lamana  oga Sababta loo xiray Xildhibaanka.

PUNTLAND POST