32 qof oo ku dhintay Gobolka Bay kadib markay cabeen biyo sumeysan

Waxaa Wararka ka imaanaya Gobolka Baay Ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in Maanta 32 Qof ay ku dhinteen Degaanka Masuubiye oo u dhexeeya Magaalada Baydhabo iyo Awdiinle.

Dadka ayaa la sheegay in ay u dhinteen Biyo ay cabeen,waxaana Dad Goobjoogeyaal ah ay noo sheegeen in la sumeeyay War-biyood ay ka Cabi jireen.

Wasiirro ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed oo tagay Goobta ayaa sheegay in Warbiyoodka ay Sumeeyeen Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ay jiraan Dad kale oo Goobaha Caafimaadka la dhigay,kuwaas oo Cabay Biyo la sumeeyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho