Doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta la soo dhameystiray kadib markii la doortay kursigii ugu dambeeyay ee ka harsanaa xubnaha Gobollada Waqooyi ee Dalka.
Doorashadan oo maanta ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka Muqdisho ayaa waxaa ku soo baxday Huda Axmed Cali oo heshay codod gaaraya 45 cod.
Xubnaha Aqalka hoose ee Gobollada Waqooyi oo 46 xubnood ah ayaa 15 ka mid ah ay yihiin haween, iyadoo taasina ay ka dhigan tahay in 32% ay kootadii haweenka xaqiijiyeen, waana markii ugu horreysay oo ay hawoonku in kabadan 30% ay ka helaan doorashada dowlad goboleedyada Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho