
Allaha u naxariistee Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo 25-kii Bishan ay dablay hubaysani ku dhaawacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa goordhawayd ku geeryooday isbitalka Boosaso.
Qaar ka mid ah Ahelada Nadoonka ayaa Warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyey in saacad ka hor uu u geeriyooday Nabadoonku dhaawicii Habeen Seddexaad loo geystay.
Nabadoon Muuse Xaaji Faarax ayaa ka mid ahaa Nabadoonada ugu caansan Gobolka Bari, sidoo kalna ahaa Ganacsade.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyad-da dilka Nabadoonka ,xilli Al-shabaab ay horey u sheegatay dilal Bosaaso lagu la beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ku jiraan maamulihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso, Taliyihii sedexaad ee ciidamada booliska Puntland iyo xeer-ilaaliyahii maxkamadda ciidamada Puntland.
Magaalada Bosaaso ayaa waxaa ku soo badanayey dilalka xiliyadii danbe, iyada oo ay socdaan howl-galo lagu baadi-goobayo kooxo lala xiriirinayo in ay ka tirsan-yihiin Al-shabaab iyo Daacish.
PUNTLAND POST