Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Ninkii Fuliyay weerarkii Hotel Dayax

Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab ayaa baahiyay magaca iyo qabiilka uu kasoo jeeday hogaamiyihii weerarkii Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo dhacay maalintii Arbacada aheyd.

Al-shabaab hadalka ay soo saareen ayay ku sheegaen in  ninka Hogaaminayay weerarkii Hoteelka Dayax Lagu Magacaabi Jirey C/raxmaan Fatxi C/laahi oo horey ugu tirsanaa Ciidamada Maamulka jubba-land ee Magaalada Kismaayo ku sugan.

C/raxmaan Fatxi C/laahi Al-shabaab waxa ay sheegeen in uu ilaalo u ahaan jirey Taliyihihii Nabad Sugida Maamulka Jubba-land islamarkaana uu gacantiisa ku dilay, markaas kadibna uu usoo baxsaday dhanka Xarakada Al-shabaab.

Ninkii hogaaminayay weerarkii Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho C/raxmaan Fatxi C/laahi yaa la sheegay in uu waday Gaari labaad ee NOHA-da ahaa ee dadka badan dilay kaasi oo yaalay ilinka Hore ee Hoteelka Dayax, islamarkaana ahaa hogaamiyihii Al-shabaab ee weerarkas hoteelka lagu qaaday.

Mas’uuliyada weerarkii Hoteelka Dayax waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab, 10-ruux ayaa ku dhimatay halka 51-kale ay ku dhaawacmeen dadka dhintay iyo ku dhaawacmay waxaa ku jiray askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya.

PUNTLAND POST Muqdisho Office