Waxaa Maanta oo Khamiis ah Taariikhduna ay ku beegantahay 26-01-2017 lagu wadaa in Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ay ku shiraan Gudoonka baarlamaanka ayna ka bilaabaneeysa Diiwaangalinta Musharaxiinta.
Guddiga Doorashada Gudoomiyaha oo Jadwalka Doorashada Shalay soo saaray ayaa iclaamiyay in 26-ka oo maanta ku beegan ilaa 29-ka ay socoto Diiwan galinta Musharaxiinta madaxweynaha.
Inta badan Musharixiinta Madaxweyninimo ee Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Musharixiinta Madaxweyninimo ee Soomaaliya ayaa tiro ahaan ka badan 30 Musharax kuwaasi oo mid waliba uu doonayo in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.
08 Febuary Maalin Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo dooarashada madaxtinimo ee Soomaaliya .
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho