Waxaa sii Xoogeeystay Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana dhacay ilaa 3 Qarax oo ay sameeyeen Gaadiid laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa.
Qaraxyada iyo weerarada ayaa waxa ay ka socdaan Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay weerar saaka ku qaadeen Dagaalamayaal Katirsan Al-Shabaab.
Hoteelka ayaa waxaa daganaa Xildhibaano katirsan Labada Aqal iyo Musharaxa Madaxweyne ee Farmaajo inkastoo aan la ogeyn in uu ku jiro iyo inkale.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhowaad 5 Ruux ay geeriyootay tiro intaas ka badana ay ku dhawaacmeen weerarakaasi maadaama uu weerarku socdo ayaa laga yaabaa in khasaaraha intaasi ay ka badato.
Sidoo kale waxaa Dab uu Qabsaday xarun ku dhageynd halka ay Qaraxyada ka dhaceen oo ah xarun shirkada Korontada halkaasi ku laheyd.
Dhanka kale ilaa 4 Wariye ayaa ku dhaawacmay Qaraxyadaasi ka soconayo magaalada Muqdisho ee Caasimadaada Soomaaliya.
Hoos ka Daawo Video-ka
Wixii ku Soo Kordha Kala soco Puntland Post Insha allahÂ
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho