Weeraro iyo qaraxyo ka socdo Hoteel ku yaalo magaalada Muqdisho

Koox hubeysan oo loo maleeynayo in ay katirsanyihiin Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goordhow Hotel ku yaala Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilaabay qarax gaariga lagu soo buuxiyay oo lagu dhuftay Afaafka hore ee Hotel Dayax oo ku yaala Wadada Makka al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa gudaha hadda ka socdo Rasaas ay is weeydaarsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Dowlada taasi oo laga maqlayo gudaha Hoteelka.

Wararka qaar oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Hoteelkaasi uu daganyahay Farmaajo oo kamid ah Musharixiinta Madaxweyne inkastoo aan la xaqeejin in uu ku sugnaa Hoteelka ama uu ka Maqnaa.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho