Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa magaalada Muqdisho kulan is xog waraysi ah kula qaatay safiir ku-xigeenka safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Muqdisho Andrew Allen iyo xog-hayaha koowaad ee Safaaradda Paul O’Connor.
Agaasimaha iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wada hadlay xaaladda Abaaraha ee ka jira Puntland iyo sidii ay dawladda Britain uga qayb qaadan lahayd gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyadoona uu safiirku sheegay in dawladda Ingiriisku kulan Qaradamada Midoobey ugaga yaboohi doonto dhaqaalaha ay uga qayb qaadanayso abaaraha.
Sidoo kale waxyaabihii laga wada hadlay muddadii uu kulanku socdey waxaa ka mid ahayd doorashada Soomaaliya oo inteedii badnayd ay qabsoontay iyadoona ay dawladda Ingiriisku bogaadisey hannaankii xasilloonida lahaa ee ay kusoo dhammatay doorashada soo xulistii xildhibaanada iyo doorashada guddoonka labada aqal.
Ambassador Andrew Allen ayaa ku ammaanay xukuumadda Puntland ee talada haysa dedaalkii iyo tanaasulaadkii badnaa ee ay usamaysay hannaankii geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya iyo culaysyadii badnaa ee ay dhabarka u ridatey.
Ugu dambayn, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa bogaadiyey xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqayneed ee ka dhexeeya dawladda Puntland iyo Boqortooyada Ingiriiska, isagoona hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in Puntland laga caawiyo abaaraha aafeeyey dadka iyo duunyadaba, kuwaas oo si siman u saameeyey dhammaan gobollada Puntland.
