Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa booqasho waxa uu ku tegey magaalada Qabridahar oo ah xurunta Gobolka Qoraxey, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah Wasiirada xukuumadda dowladda Deegaanka dalka Itoobiya.
Garoonka Diyaaraha magaalada Qabridahar ayaa waxaa Raysal wasaare Hailemariam ku soo dhaweeyey madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubna ka mid ah golihiisa wasiirada oo halkaas horey u sii tagey.
Raysal wasaare Hailemariam Desalegn ayaa magaalada Qabridahar waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Bulshada Gobolkaas, oo ay ka jirto xaalada Abaareed oo ba’an oo uu kala simanyahay Gobolada kale ee dowladda Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.
Raysal wasaare Hailemariam ayaa waxa uu kormeeri doonaa mashaariic halkaas ay ka fulisay dowladdu.
PUNTLAND POST