Wararka naga soo gaaraya Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland ay la wareegeen Degmadaasi oo ay horay u joogeen Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Magaalada Badhaadhe ay hadda joogaan Ciidmada Jubbaland Shabaabkiina laga saaray.
Saraakiisha u hadlay Jubbaland ayaa intaa ku daray in ay sii wadi doonana Howlgalka ay Shabaab uga saarayaan Gobolada Jubbooyinka sida ay hadalka u dhigeen.
PUNTLAND POST