Al-Shabaab oo weerar Ku Qaaday Degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab uu ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolkaas.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyay in ay soo qaadeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo degmada afgooye kasoo galay labo jiho oo kala Koonfurta iyo Galbeedka waxaa Dagaalku uu ku sii degmadaas iyadana oona laga maqlayay rasaas aad u xoogan iyo hubka culus.

Afgooye oo 30 KM ujirta magaalada caasimadda ah ee Xamar la wareegisteeda ayaa inta badan soo laab-laabtay weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay labo haween ka hor.

PUNTLAND POST