Guddoonka Barlamanaka federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo Guddoonka Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka sare ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay isku afgarteen in maalinta Beri ah oo ay Taariikhdu ku beegantahay 24-ka Bisha Janaayo, kulanka Barlamaanka lagu dhiso guddiga qaban qaabada Doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga la dhisi doono ayaa ka shaqeyn doona Doorashada madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso iyo ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada madaxweynaha.
Sidoo kale gudoomiyaasha Golaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan kooda ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Labada Aqal isla markaana ay u dhexmari lahayd wada shaqayn ku dhisan horumarinta midnimadda iyo adkaynta qaranimo Soomaaliya.
Iyadoo horay uu khilaaf u dhexmari jiray Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayaa hadda dad badan oo siyaasadda falaanqeeya sheegeen in khilaafkaas laga yaabo in uu u wareegayo Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST