Wararka ka imaanaya gudaha suuqa-weyn ee Bakaaraha ayaa ku waramaya in Daqiiqado ka hor suuqa uu ka kacay dab xoogan.
Dabka ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala suuqa Bakaaraha qeybta Cabdalla-shideeye.
Dad Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST in dabka uu haatan soconayo islamarkaana goobta dabka uu ka kacay laga maqlayo rasaas xoogan oo ay hawada u ridayaan ciidamada dowlada soomaaliya oo goobta gaaray,
Dabka ayaa la sheegay in ilaa haatan qasaraha uu geystay uu gaarsiisan yahay maqaayad can aheyd oo la sheegay in gabi ahaanba uu bas beelayay sidoo kalena uu ku sii faafay Goobo Ganacsi.
Hoos ka Dhageyso Warbixinta Dabka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho