Turkiga oo qabtay nin loo heystay weerarkii Istanbul

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ay qabteen nin loo heystay in uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday goob lagu caweeyo laguna magacaabo Reina oo ku taala magaalada Istanbul hebeenkii sanadka cusub ee 2017.

Boolsika ayaa u dhacay guri ku yaala xaafada Esenyurt oo ku taal duleedka magaalada Istanbul waxaana lagu qabtay ninkan iyo dad kale oo la sheegay in ay halkaasi joogeen.

Ninkan la qabtay aya lagu magacaabo Cabdulqaadir Masharipov, waxaana da’diisa lagu sheegay 34 sano jir, waxuuna u dhashay dalka Uzbekistan

Weerarkii Istanbul ka dhacay billowgii sanadkan ayaa waxaa lagu dilay 39 qof, waxaana weerarkaasi sheegtay kooxda Daacish.

PUNTLAND POST