Komaandooska Soomaaliya oo weerar ku qaaday Fariisin Al-Shabaab

Waxaa Tuulada lagu Magacaabo Yaaq-doomaar oo u dhaw Degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose wararka aanu ka heleyno ay sheegayaan in Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee fariisinka ku leh Garoonka diyaaradaha  ee Bali-doogle ay Weerar ku qaadeen Saldhig Shabaabku ay ku leeyihiin halkaas.

Dad Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay weerar culus ku qaadeen Saldhiga Al-shabaab ee Degaanka Yaaq-doomaar Gabal-dhicii shalay, balse aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarka Ciidanka Dannab ay ku qaadeen fariisinka Al-shabaab.

Weerarka ayaa la sheegay in ciidamada ay si qorsheysan u wajaheen iyadoona ay bartilmaameedayeen guryo la sheegay in xogtooda ay hayeen oo ay degenaayeen rag ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab weli ma aysan ka hadlin weerarka ka dahcay deegaanka ku dhow deegaanka Leego ee gobolka Shbeelaha hoose.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer Weeraro kala duwan ka fuliyay Gobolka Shabelelaha Hoose.

PUNTLAND POST