Musharax Xasan Shiikh ayaa ololihiisa doorashada waxaa ka muuqda in uu weli yahay madaxweynaha soomaaliya. Xayeysiiska uu gashaday baraha internet-ka iyo telefishinadda Soomaalida ayaa waxaa ugu qoran MADAXWEYNE XASAN SHIIKH, halka ay ku qornaan lahayd MUSHARAX MADAXWEYNE – XASAN SHIIKH.
Lama garanayo waxa loola jeedo fariintaas, in ay tahay mid ula kac loo sameeyey iyo farsamo xumo ka timi dhinaca ragga ololihiisa hogaaminaya.
Musharax Xasan Shiikh ayaa si weyn u maalgeliyey olohiisa doorashada waxaana lagu tilmaami karaa musharaxa 1aad ee ka muuqda warbaahinta kala duwan ee dalka. Markii aad tahay Musharax madaxweyne, fariin walba oo aad ku gudbisid maqal, muuqaal iyo dhaqan waxa ay saamayn ku yeelan kartaa rajadaada ah in lagu doorto. Waxaana dad badani horay u dhaliileen halhayska uu Xasan Shiikh qaatay ee ah “QABYO QOFKEEDAA DHAMEYSTIRA” Ereyga QABYO ayaa afka soomaaliga ah erey aan fiicnayn ama negative word, dad badan ayaana aaminsan in Xasan uu dhamaystiri karo Qabyada uu ka tegey haddii fursad 2aad la siiyo.
Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya waxa ay dhowaan kala saari doonaan codsiyada musharixiinta faraha badan. Xasan shiikh ayaa lagu huhunsan yahay in uu codkooda heli karo 95 xildhibaan, waxaana shakiga laga saaray in uu soo geli karo wareega 2aad.
PUNTLAND POST