Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay xil ka qaadis lagu sameeyay waxaana uu sheegay in Xilkaqaadistaasi ay tahay mid sharci daro ah.
Jaamac Sheelare Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Guuleed xilkii laga qaaday islamarkaasina aanu iminka sharci aheyn.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay dhaceen dhamana Golaha Wasiirada Maamulkaasi mar haddii Xilka laga qaaday Guuleed.
Waxa uu sheegay in Guuleed uu doonayo in uu dhibaatooyin ka abuuro magaalada Cadaado iyo Deegaanada Galmudug maadama xilkii laga qaaday islamarkaasina uu wali ku adkeeysanayo.
Xalay Madaxweyne Guuleed ayaa xilkii ka qaaday wasiir Jaamac Sheelare oo ah wasiirka Arimaha Gudaha maamulkaasi.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho