Muudey oo loo doortay Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka

waxaa goordhaweyd xilka Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku guuleystay Xildhibaanada C/wali ibraahim Shiikh Muudey.

Xildhibaan Muudey ayaa ka guuleystay Xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir oo loo saadaalinaayay in uu xilkaan ku guuleysan doono.

Muudey ayaa helay 164 cod halka Faarax sh. uu helay 94 cod sida ay doordhow ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Goordhow waxaa iyana la shaacin doonaa Cida ku guuleeysta Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Waxaana ugu cad cad XIldh. Mahad cabdala Cawad oo horay Xilkaan u soo qabtay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho