Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray Gudoomiye Jawaari

Madaxweynah dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya sida hufnaanta leh ee ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Baarlmaanka ee Soomaaliya ee uu ku guuleeystay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

“ Waxaan hambalyo lee yahay Xilhibaanada Golaha Shacabka Sooomaaliya oo maanta si dimuqraadiyadda leh u doortay guddoomiye, waxaa muujiyeen sida Baarlamaanka uga go’an tahay in dalkaan horusocokiisa la sii joogteeyo iyo sida xilkasnimada ku dheehan tahay ee ay ugu gudanayaan waajibaadka ka saran u adeegida shacabka ay wakiilka ka yihiin ee soo doortay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoomiyaha Baarlmaanka ee maanta dhacday.

“ Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo mar kale ku guuleestay xilkaan culus, waxaana Allaah uga baryey inuu la garab galo, waxaana aamminsahay in Guddoomiye Jawaari uu yahay shaqsigii ugu habboonaa ee ay Soomaaliya u baahan tahay xiliga lagu jiro si howlahii Qaranka halkiisa uga sii wado” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey ciidamada Qalabka sida si adag u sugaya ammaanka magaalada iyo guud ahaanba dalka xili lagu jiro xili adag oo ay doorashooyin dhacayaan.

-Dhammaad–

PUNTLAND POST