Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar-garow balaaran oo ku aadan Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Maalinta Bari oo ku beegan Arbaco 11-1-2017 ayaa lagu wadaa in xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ka dhacdo Doorashda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.
ilaa iyo iminka waxaa Doorashadaasi ugu cad cad labo Musharax oo loo badinaayo in uu mid kamid ah noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Labadaasi Musharax ayaa waxa ay kala yihiin Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig Wasiiru Dowlaha Xukuumadii waqtigeeda uu dhamaaday ee Soomaaliya.
Muqdisho waxaa ka socoto kala jiidashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu musharax kasta uu kulamo gaar ah la qaadanayo.
Dad badan ayaa saadaalinaya in Jawaari laga yaabo in uu markale soo laabto, halka Kuwo kalena ay u saadaalinayaan Xidig.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post, Muqdisho