PP (Muqdisho) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ciidamo iyo dad rayid ah ay ku sugnaayeen.
Maqaaxidaan oo ku taala agagaarka Isgooyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaana ay ahaayeen kuwo miinada dhulka lagu Aasay.
Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi oo ahaa kuwo labo ah oo khasaare u geeystay Askar iyo dadkii meesha ku sugnaa ee rayidka ahaa.
Goobjoogayaal ku sugan goobtaasi ayaa PUNTLAND POST u Sheegay in dad gaaraya 10 Ruux ay halkaasi khasaare ka soo gaartay.
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo khasaare geysta iyo dilal qorsheeysan waxaana Muqdisho dhowaan ka dhaceeysa Doorashooyinka Madaxda Sare ee dalka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho