Nin watay Kaarka Aqoonsiga Milatariga Mareykanka oo weeraray Garoon Diyaaradeed

Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin hubaysan oo weeraray Garoonka Fort Lauderdale ee Hollywood International ee gobolka Florida oo ku yaalla koonfurta dalka Mareykanka.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 5 ruux  halka ay ku dhaawacmeen 8 kale weerarkaas.

Ninkan hubeysan ayaa xabadd ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines.

Dad goob joagayaal ah ayaa sheegay in ninkani uu amusnaa, marka uu rasaasta furayay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan.

Ciidammada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysan yihiin in ninka weeraraka fuliyay uu ahaa keligii, waxaana markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa gudaha garoonka diyaaradaha.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda sababta ninkani uu weerarka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso.

Waxaa kale oo jiray warar ka soo baxay mid ka mid xildhibaanada Aqalka Senate-ka oo magaca ninka weerarka fuliyay ku sheegay Estaban Santiago, da’diisuna tahay 26 sano, waxaana uu intaa ku daray in ninkaasi uu watay kaarka aqoonsiga ee milateriga Mareykanka.

Gudoomiyaha ammaanka ee halkaasina waxa uu isna dhankiisa sheegay in ninkani uu ahaa rakaab gudaha la galay qorigii uu watay, isagoo qoriga kusoo cabeystay musqusha.

Hoos ka Daawo Sawirada.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12  14 16 17

PUNTLAND POST