Ciidamada Galmudug oo is hor-istaag ku sameeyay Fadhiga Baarlamaanka Maamulkaasi

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Galmudug ay maanta is hor-istaageen fadhi Baarlamaanka Maamukaasi.

Ciidamo aad u hubeeysan ayaa isku gadaamay xarunta Madaxtooyada Galmudug oo qeyb kamid ah ay ku shiraan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Ciidamada ayaa Xildhibaanada ku amray in ay dib uga laabtaan xarunta oo aanay ku shireeynin islamarkaasina u diiday in ay gudaha u galaan.

Xildhibaanada ayaa hor dhoobtay afaafka hore ee xarunta iyaga oo ka Carooday falkaasi ay kula kaceen Ciidamada.

Xildhibaanada ayaa  maanta waxa ay lahaayeen mid kamid ah kulamada baarlamaanka oo dib uga furmi lahaa magaalada cadaado.

Lama oga sababta rasmiga ah oo Ciidamada ay is hor-istaaga ugu sameeyay fadhiga Baarlamaanka Galmudug ee Maanta.

Hoos ka Daawo Sawirada Qaar kamid ah Xildhibaanada u Gaar ah Puntland Post.

15825741_1177137819072232_3342856300113602659_n 15873176_1177137915738889_4497491446464187837_n 15873247_1177137769072237_695125142796996673_n

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post