
Hamza Bin Laden oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Laden ayaa dowlada Maraykanka si rasmi ah ugu dartay liiska argagixisada caalamka.
Hamza Bin laden oo dhowr iyo labaatan jir ah ayaa la sheegay inuu wixii ka danbeeyey dhimashada aabihii uu noqday xubin ka tirsan al-Qaacida.
Wasaarada arrimaha dibadda ee dalka Maraykanaka ayaa sheegtay inay caalamka u sheegayso in Hamza Bin Laden uu qayb ka yahay argagixisada.
Al-Qaacida ayaa 2015-tii soo daysay cod uu duubay Hamza, oo ku baaqaya in taageerayaasha Kabul, Baghdad iyo Qaza ay weerar ku qaadaan, Washington, London, Paris iyo Tel Aviv.
Hoggaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Laden ayaa 2011-kii lagu dilay guri ku yaala Abbotabad ee dalka Pakistan.
PUNTLAND POST